Xasaasi: Saddex Kooxoo Oo Ka Mid Ah Kooxaha Ugu Waaweyn Yurub Oo Xiriir La Sameeyay Wakiilka Umtiti & Real Madrid Oo Ka Mid Ah

Daafaca birta ah ee kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti ayaa qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ku soo jiitay saddex kooxood oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn yurub sida ay sheegayaan wararku.

Samuel Umtiti ayaa lala xiriirinayaa in uu isaga tagayo kooxda Barcelona ilaa suuqii January maadama heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag aad u yar.

Daafaca reer France ayaa lagu heli karaa kaliya lacag dhan 53 milyan oo euro xagaaga marka loo eego lacagaha waalida ah ee haatan suuqa lagu bixiyo.

Virgil van Dijk ayaa Liverpool ugu biiray lacag dhan 75 milyan oo euro halka Aymeric Laporte uu 57 milyan oo euro ugu biiray kooxda Man City.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in kooxda chelsea ka mid tahay saddexda kooxood ee doonaya in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga reer France.

Kooxaha Paris Saint-Germain Iyo Real Madrid ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha doonaya in ay Camp Nou ka kexeeyaan 24 jirkan marka la gaaro xagaaga dambe.

Saddexda kooxood ayaa xiriir la sameeyay wakiilada xiddigan reer France intii lagu guda jiray suuqii kala iibsiga ee January.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply