Xasaasi: Qorshihii Uu Madaxweynaha Real Madrid Ee Florentino Perez Uga Hor Istaagay In Uu 6 Sano Ka Hor Ku Biiro PSG Oo La Ogaaday, Lionel Messi Ayuu Ugu Hanjabay

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa wakhti lala xiriirin jiray kooxda PSG ka hor intii ayna xagaagii la wareegin xiddiga reer Brazil ee Neymar.

PSG ayaa sanadkii 2012 ku dhawaatay in ay hesho saxiixa xiddiga reer Portugal ka hor intii uuna madaxweynaha Real Madrid u dagsan qorshe uu xiddiga ugu sii hayo kooxda.

Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa Cristiano Ronaldo ugu digay in uu u dhaqaaqi doono saxiixa Lionel Messi oo uu waliba bixin doono lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa si uu u galo booskiisa hadii uu ku biiro kooxda PSG sanadkii 2012.

Ronaldo ayaa lagu soo waramayay in uu xiiso u qabo in uu dhaqaaqo kooxda caasimada France 6 sano ka hor laakiin Perez ayaa u soo jeediyay hanjabaad cajiib ah, sida laga soo xigtay France Football.

Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramay in uu ka war qabay fariin uu Ronaldo u diray saaxiibkii isaga oo ugu sheegay in uu doonayo in uu tago PSG maadama ay jecel yihiin.

Kooxda reer France ayaa waliba diyaar u ahayn in xiddiga ka caawiso wax walba oo uu ugu guulaysanayo abaalmarinta Ballon d’Or.

Madaxweynaha Real Madrid ayaa la sheegayaa in uu Ronaldo ugu hanjabay in uu Messi la soo wareegi doono si uu booskiisa Real Madrid isagu ula wareego.

Sanadkii 2012 xiriirka Tababare Jose Mourinho iyo xiddiga ayaa ahaa mid xun markaas oo ay Barcelona yurub oo dhan awood ku haysatay.

Lama ogayn in uu Messi ogolaan lahaa in uu ku biiro kooxda ay sida weyn ula xafiiltamaan kooxdiisa Barcelona laakiin Perez ayaa sidaas ku war galiyay xiddigiisa.

Xiiso walba oo uu Ronaldo u hayay in uu PSG ugu biiro ayuu isla markiiba ka baxay waxana uu kooxda ku hogaamiyay koobab iyo guulo tan ilaa wakhtigaas.

Ronaldo ayaa 3 jeer ku guulaystaytan ilaa 2012 isaga oo waliba abaalmarinta xiddiga ugu fiican ee Ballon d’Or 3 jeer oo kale ku guulaystay.

Real Madrid ayaa mar kale rajadeeda ku xiraysa xiddigeeda khabiirka ah marka ay kooxda PSG soo booqato Bernabeu lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply