Xaaska Alvaro Morata Oo Baraha Bulshada Soo Dhigtay Muuqaal Muran Badan Dhaliyay & Taageerayaasha Chelsea Oo Weerar Ku Qaaday Xiddiga

Taageerayaasha kooxda chelsea ayaa weerar ku qaaday weeraryahanka kooxdooda ee Alvaro Morata kaas oo ay xaaskiisu baraha bulshada soo dhigtay muuqaal muran badan dhaliyay.

Xaaska Morata ayaa soo dhigtay bogeeda Instagram labada lamaane oo qoob ka ciyaar isku jiibiniya xilli uu xiddiga reer Spain garoomada uga maqan yahay dhaawac dhabarka ah.

Morata ayaa haatan garoomada uga maqan dhaawac dhabarka ah xilli uu tababare Antonio Conte qirtay in uuna ogayn wakhtiga uu xididgu garoomada ku soo laaban doona.

Chelsea ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee premier league waxana ay caawa garoonkooda ku soo dhawayn doonaan kooxda West Brom.

Dhamaadka muuqaalka ay xaaska Morata ee Alice Campello soo dhigtay ayuu xiddigu kor u qaadayaa xaaskiisa oo xaamil ku ah ilmihii ugu horeeyay.

Ma cada in uu muuqaalkan yahay mid cusub laakiin muuqaalkaas ayaa ka xanaajiyay taageerayaal badan oo Blues oo weerar ku qaaday xiddiga.

Taageere ka mid ah kooxda chelsea ayaaa xiddiga ugu qoray” waxa ay muuqataa in uuna dhabarkaagu aad u xun yahay Alvaro” isaga oo ku digasho uga jeeda.

Mid kale ayaa sii raaciyay” kaalay oo kubada ciyaart, kooxdu waxa ay lacagta kugu siisaa ciyaarta”.

Todobaadkii hore tababare Antonio Conte ayaa qirtay in uu u wel-welsan yahay weeraryahanka kooxda kaga soo biiray Real Madrid xagaagii hore.

“Waxa uu qabaa dhabar xanuun, waxa aan isku dayaynaa in aanu helno xalka aanu ku xalin karno dhabarka xanuunaya”ayuu yiri.

Mar wax laga waydiiyay wakhtiga uu garoomada ka maqnaan karo ayuu yiri”maalin kaliya,Bil ama inta xilli ciyaareedka ka dhiman ma ranayo”.

“Anigu waxa aan u wel-welsanahay maadama aanu garanayno muhiimada xiddiga”

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply