WRBIXIN:Maxay u baahan yihiin Kooxaha Man United,Liverpool,Chelsea,Arsenal & Tottenham Si Ay Ugu Soo Baxaan Champions League

Kooxda Man City ayaa u muuqata koox si toos ah isaga xaadirisay champions league xilli ciyaareedka dambe maadama ay 13 dhibcood ku hayso hogaanka horyaalka premier league iyada oo 12 kulan harsan yihiin una muuqata mid ku guulaysan doonaysa horyaalka premier league.

Laakiin 5-ta kooxood ee kale ee waaweyn ayaa u dagaalami doona boosaska 3-da ah ee baan si ay isaga xaadiriyaan tartanka champions league xilli ciyaareedkan dambe.

Arsenal ayaa mari karta wadadii man United ee xilli ciyaareedkii hore iyada oo ku guulaysan karta tartanka Europe League si ay ugu soo baxdo tartanka champions league.

Dhibcaha koox kasta looga baahan yahay kulamada hadhay si ay ugu soo baxdo champions league

Waxa sidoo kale mar kale dhici karta in ay 5 kooxood oo premier leageu ah ka soo qayb galaan tartanka champions league sida xilli ciyaareedkan.

Laakiin fursadooda ugu fiican ayaa ah in ay kaalmaha ugu horeeya kaga soo baxaan horyaalka premier league si ay uga soo qayb galaan tartanka champions league xilli ciyaareedka dambe.

Tan iyo markii horyaalka Laga dhigay 38 kulan ma jirto koox ku dhamaysatay wixii ka hooseeya kaalinta 4-aad hadii ay helaan 76 dhibcood taas oo ay Man cityy heli doonto iyada oo ilaa haatan 0.56 dhibcood heshay kulan kasta.

Kooxda kaalinta 2-aad kaga jirta horyaalka ee Man United ayaa fursad fiican haysata laakiin 4 ka mid ah 12 kulan ee u haray ayay la ciyaari doontaa kooxaha waaweyn ee premier league.

Kooxaha Chelsea, Liverpool Iyo Arsenal ayaa dhamaantood tagi doona Old Trafford halka kooxda jose Mourinho bisha April booqan doonto Man city.

Blues ayaa sidoo kale la ciyaari doonta 4 ka mid ah kooxaha kula tartamaya kaalmaha ugu sareeya horyaalka waxana ay u baahantahay in ay hagaajiso qaab ciyaareedkeeda haatan.

Tottenham ayaa dhankeeda ku dhaw tartanka boosaska champions league laakiin Arsenal ayaa u baahayn in ay kulan kasta hesho 2.58 dhibic inta ka dhiman xilli ciyaareedkan si ay u gaadho 76 dhibcood mana jiro khalad loo baahan yahay.

Liverpool ayaa dhankeeda u soo bixi karta champions league laakiin waxa looga baahan yahay 2.28 dhibic kulan kasta si ay ugu soo baxdo champions league.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply