Weeraryahanka Dhibta Badan Ee Mario Balotelli Oo Kaarka Digniinta Ah Ku Qaatay Arin La Yaab Leh

Weeraryahanka kooxda Nice iyo xulka qaranka Italy ee Mario Balotelli ayaa arin la yaab leh ku qaatay kaarka digniinta ah intii lagu guda jiray kulankii ay kooxdiisa Nice la kulantay guuldarada 3/2 ah ee ka soo gaartay kooxda Dijon kulan ka tirsanaa horyaalka La France ee Leagu 1.

Mario Balotelli ayaa loo taagay kaark digniinta ah kadib markii uu garsooraha uga cawday hadalo cunsurinimo ah oo ay taageerayaasha kooxda Dijon kula hadlayeen xiddiga.

Weeraryahankii hore ee Manchester City iyo Liverpool ayaa seegay fursad daqiiqadii 72-aad mana uusan ku faraxsaneyn jawaabtii uu ka helay taageerayaasha kooxda Dijon.

Waxa uu garsooraha kala hadlay dhacada laakiin garsooraha ayaa kaarka digniinta ah ugu jawaabay.

Boga Rasmiga ah ee ay kooxda Nice ku leedahay Twitter-ka ayaa soo dhigay arintaas iyaga oo yiri” Intii lagu guda jiray qaybta nashadada Mario Balotelli Ayaa loo taagay kaarka digniinta ah, kadib markii uu ka carooday hadalo cunsuriyada ah oo ay taageerayaashu kula keceen”.

Goolhayaha Kooxda Dijon ee Baptiste Reynet  aayaa sheegay in ayna jirin wax cunsurinimo ku saabasan oo uu maqaly isagu.

Waxa uu yiri: “Waxaan u sheegay Mario inaanan maqlin cunsuriyada laakiin waxa uu iigu jawaabay in ay jiraan qaar. Laba ama seddex taageerayaal ah ayaa si cad u careysiiyay”.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply