WARBIXIN: Wixii Uu Philippe Coutinho U Sheegay Liverpool Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Barcelona Oo La Ogaaday

Philippe Coutinho ayaa suuqii January ku biiray kooxda Barcelona kadib markii uu ku fashilmay suuqii xagaagii isaga oo noqday xiddiga 2-aad ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga kadib markii ay Barcelona ka bixisay lacag dhan 145 milyan oo euro.

Wararka ayaa shaaca ka qaaday wixii uu Philippe Coutinho u sheegay Liverpool hadii ay u diidaan in uu ku biiro kooxda Barcelona intii lagu guda jiray suuqii January.

Liverpool news Philippe Coutinho Barcelona

Xiddiga reer Brazil ayaa la sheegayaa in uu maamulka Liverpool ku war galiyay in uu wax walba u qaban doono kooxda Liverpool sidii uu u caawin lahaa hadii ay u diidaan in uu ku biiro kooxda Barcelona bishii hore sida ay sheegayaan wararku.

Coutinho ayaa si liidata ku bilowday nolosha Barcelona laakiin waxa uu saamayntiisii ugu horeeyay ku yeeshay kooxdiisa Khamiistii kadib markii uu dhaliyay goolkii ugu horeeyay kulakii ay 2/0 uga badiyeen kooxda Valencia kaas oo ka caawiyay in ay gaaraan finalka koobka.

Liverpool ayaa dhankeeda qaab ciyaareed isku dhex jir ah ku jirta tan iyo markii uu Coutinho ka tagay iyaga oo city ka badiyay bar-barona la galay laba guuldarana kala kulmay kooxaha Swansea iyo West Brom ka hor inta ayan xalay ka badin Southampton.

Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in uu Coutinho ku faraxsanaan doono qaab ciyaareedkiisa ugu fiican u soo bandhigi doono hadii ay u diidaan in uu bisha January ku biiro kooxda Barcelona.

Si kasta ha ahaatee waxa ay u muuqataa in ay Liverpool ku faraxsanayd in ay qaadato lacagtii ay miiska u saartay kooxda Barcelona.

Xagaagii Liverpool ayaa diiday 3 dalab oo waaweyn xilli uu Jurgen Klopp diiday in uu iska iibiyo xiddigiisa ugu fiican kooxda.

Laakiin Ugu dambayn Liverpool ayaa badashay go,aankeeda oo qaadatay lacagtii ay Barcelona ku soo dalbatay xiddiga intii lagu jiray suuqii January.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply