WARBIXIN: Wax Ka Baro Xiddigaha Xul Walba Haatan Ka Jooga Horyaalka Premier League

Markii uu Pierre-Emerick Aubameyang kulankiisii ugu horeeyay u saftay kooxda Arsenal sabtidii waxauu noqday xiddigii ugu dambeeyay ee ku soo biiray premier league kana tirsan Gabon.

Xiddiga lacagta rikoorka ah ugu soo biiray kooxda Arsenal ayaa noqday xiddigii 2-aad ee reer Gabon ah ee ka ciyaara horyaalka premier league waxana uu dhaliyay gool kulankii ay Arsenal 5/1 uga badisay kooxda Everton.

Xilli ciyaareedkan waxa horyaalka premier league ka ciyaaray 290 xiddig oo aan u dhalan dalka England kana soo jeeda wadamo kala duwan.

Si kasta ha ahaatee Pierre-Emerick Aubameyang ayaan ahayn xiddiga kaliya ee Gabon ka soo jeeda ee xilli ciyaareedkan ka ciyaaray Premier league waxana kaga horeeyay xiddiga kooxda Southampton ee Mario Lemina.

Premier league ayay haatan mataleen xiddigo ka soo jeeda 56 wadan oo adduunka ah laga bilaabo Republic of Ireland iyo France ilaa Bermuda Iyo Benin.

Dalka Xiddigihiisu ugu matalida badan yahay premier leageu ayaa si lama filaan ah u noqday xulka Spain kaas oo ku leh 31 xiddig xilli ciyaareedkan.

France ayaan wax badan ka dambayn oo 25 xiddig ku leh halka uu Xulka Holland ku leeyahay 22 xiddiga iyo Belguim oo 20 xiddig ku leh.

The Republic of Ireland  ayaa sidoo kale 5-ta ugu saraysa ku jirta iyaga oo 17 xiddig u matalayaan premier league halka Germany iyo Argentine ku leeyihiin min 14 xiddig.

Waxa ku sii xigta Brazil kuwaas oo ku leh 11 xiddig marka lagu daro Philippe Coutinho oo suuqii January ka tagay kooxda Liverpool.

Arinta la yaabka ah ayaa ah in xulka Senegal uu ku leeyahay 9 xiddig halka xulka Austria uu ku leeyahy 8 xiddig halka xulalka Congo DR, Ivory Coast, Italy iyo Portugal ku leeyihihiin min 6 xiddig.

Halkan Hoose sawirka ah kaga bogo xiddigaha xul kasta haatan ka jooga Premier League:

Sportsmail's map shows which foreign nations have had most players in England's top flight

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply