WARBIXIN: Lacagta Ay Horyaalada Yurub Suuqa Galiyeen January & Premeir League Oo Ugu Sareeya & Italy Oo Ugu Hooseeya

Suuqa kala iibsiga jiilaalka ayaa si Rasmi ah u xidhmay bartamihii habeenimadii Arbacadii iyada oo laga diwaan galiyay rikoor kale oo cusub oo ah dhanka lacag kharash garaynta kooxaha.

Marka loo eego dhaq-dhaqaaqii kooxaha ugu waaweyn 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub ee bishii January waxa suuqa la galiyay lacag ka badan 900 oo milyan oo euro iyada oo lala kala wareegay wax ka badan 120 saxiix iyada oo cel-celis ahaan horyaalada Spain iyo England ay suuqa galiyeen 80%.

Sidii caadada ahayn horyaalka premier league ayaa noqday midka ugu lacag kharash garaynta badan horyaalada kale iyada oo kooxaha ka ciyaara suuqa galiyeen lacag dhan 455 milyan oo euro oo ay kula soo wareegeen 38 saxiix iyada oo kooxaha labada Manchester,Arsenal iyo Liverpool ahaayeen kooxaha ugu dhaq-dhaqaaqa badan iyaga oo la soo wareegay xiddigah Aymeric Laporte,Pierre-Emerick Aubameyang iyo Virgil van Dijk waxana la odhan karaa in lacagta ay kooxaha premier league suuqa galiyeen in ay kor u dhaafi karto 500 oo Milyan hadii lagu daro qiimaha suuqa ee xiddigaha Alexis Sanchez iyo Henrikh Mkhitaryan oo ay isku badasheen kooxaha Arsenal iyo Man United.

Horyaalka premier league kadib waxa imanaya horyaalka Spain kaas oo ay kooxaha ka ciyaara suuqa galiyeen lacag dhan 300 oo Milyan oo ay kual soo wareegeen 52 xiddig, iyada oo kooxda Barcelona ahayd kooxda ugu dhaq-dhaqaaqa badan iyada oo la soo wareegtay xiddigaha Philippe Coutinho iyo Yerry Mina, Atletico Madrid ayaa ah kooxda ku xigta iyada oo 85 milyan oo euro kula soo wareegtay laba xiddig oo Kala ah Diego Costa iyo Vitolo.

Dhanka kale kooxaha horyaalka Germany ayaa suuqa galiyay lacag dhan 73 milyan oo euro halka kooxaha horyaalka France ay suuqa galiyeen lacag dhan 45 milyan oo euro iyo ugu dambayn kooxaha horyaalka Italy oo suuqa galiyay lacag dhan 26 milyan oo euro kaliya.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply