WARBIXIN: Kooxaha Faa,iidad Ugu Badan Ka Helay Labadii Suuq Ee Ugu Dambeeyay & Kooxaha Lacagta Ugu Badan Galiyay Labadii Suuq Ee Ugu Dambeeyay

Waxa la soo saaray warbixin muujinaysa isku dheelitirnaanta dhaqaalaha kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub waxana ay Real Madrid ku jirta kaalinta 6-aad kooxaha faa,iidada ugu badan helay.

Warbixinta ayaa muujinaysa booska dhaqaalaha kooxaha kadib markii ay iibiyeen ama soo iibsadeen xiddigo labadii suuq ee ugu dambaysay.

Sida laga soo xigtay CIES Football Observatory, Real ayaa leh isku dheelitirnaan wanaagsan oo ah 47 milyan euro oo faa’iido leh, halka Barcelona ay leedahay faa’iido xun, oo u dhiganta € 170m.

Monaco ayaa lagu soo bandhigay inay tahay kooxda ugu faa’iidada badan labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay iyada oo xiddigo ku soo iibsatay 130 halka ay xiddigo ku iibisay 416 milyan oo euro taas oo keentay in ay hesho faa,iido wanaagsan oo dhan 286 milyan euro.

Kooxaha kale ee Isbaanishka ah ee ka soo muuqda 15ka ugu sareeya waa Athletic (+ 30m euros), Real Sociedad iyo Malaga (labadaba + 23m euros).

Haddii aan eegno farqiga u dhexeeya kharashyada iyo dakhliga, kooxda ugu qiimaha badan waa Paris Saint-Germain.

Kooxda Faransiiska ah ayaa 418 milyan euro ku maalgashatay ciyaartoyda waxaana ay heleen kaliya 107m, taasoo la micno ah inay in ay khasaareen 311 milyan euro.

Manchester City ayaa ku jirta kaalinta labaad iyadoo leh khasaartay 246 milyan euro, halka kooxda ay isku magaalada yihiin ee Man United khasaartay 166 milyan euro.

Barcelona ayaa ku jirta liiska shanaad ee liiskaas, ka dib markii ay suuqa galisay lacag dhan 414 milyan euro kaliyna iibisay 244 milyan euro taas oo la macno ah in ay khasaartay 170 milyan oo euro.

Kooxaha Faa,iidada Helay labadii Suuq Ee Ugu Dambeeyay:

Kooxah Lacagta Ugu Badan Suuqa Galiyay Labdii Xilli Ciyaareed Ee Ugu Dambeeyay:

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply