WARBIXIN: Kadib Markii Dani Alves Goolka U Galay PSG Kulankii Sochaux, Wax Ka Baro Xiddigaha Iyaga Oo Ciyaarta Ku Jira Goolhaye Isku Badalay

Daafaca kooxda Paris Saint-Germain ee Dani Alves ayaa xalay kooxdiisa u galay goolka kdib markii kaarka cas loo taagay goolhayaha Kevin Trapp xilli ayna sidoo kale kooxdu haysan goolhaye 2-aad.

Kooxda PSG ayaa kulanka marinaysay 4/1 waxana ay ciyaartu maraysay 90 waxana uu ahaa kulan ka tirsanaa taranka Coup de France iyada oo ka badisay Kooxda Sochaux.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha kubada cagta soo maray laakiin ciyaarta dhexdeeda Goolhaye Isku badalay.

Niall Quinn for Man City vs Derby, 1991: Weeraryahanka ayaa kooxdiisa u dhaliyay gool waxana uu u muuqday mid dhalin kara goolal kale laakiin Goolhaye Tony Coton ayaa kaarka cas loo taagay waxana uu isagu noqday goolhaye markaas oo ay kooxdiisu u baahnayd, waxana uu badbaadiyay rikoore lagu dhigay kooxda Man City isla kulankaas.

John Terry for Chelsea vs Reading, 2006: Waa kulan si weyn loo xasuusan yahay, waxa uu ahaa kulankii keenay in uu Petr cech ilaa haatan madaxa wax ku xirto iyada oo 20 daqiiqo harsan tahay ayuu Stephen Hunt khalad ku galay Petr Cech isaga oo kubada doonaya, Waxa cech lagu badalay goolhaye Carlo Cudicini laakiin waxa isla markiiba kaarka cas loo taagay, taas oo keentay in kabtan John Terry uu galo goolka.

Rio Ferdinand for Man United vs Portsmouth 2008: Sanadkii 2009 xiddigii hore ee xulka qaranka England ayaa xirtay gacmaha goolhayaha kadib markii uu Edwin Van der Sar dhaawac soo gaaray kulan ahaa 8 dhamaadka FA Cup oo ay la ciyaarayeen kooxda Portsmouth, Goolhayihii badalka ku soo galay ee Thomas Kusczak ayaa kaarka cas loo taagay waxana ay gaartay wakhtigii uu Ferdinand galay goolka isaga oo badbaadiyay rikoore lagu dhigay kooxdiisa.

Glenn Hoddle for Tottenham vs Man United, 1980: Xiddiga khadka dhexe ayaa goolka ka ciyaaray 3 jeer noloshiisii ciyaareedka wakhtigiisii Tottenham wax guuldaro ahna lamuu kulmin,

David Webb for Chelsea vs Ipswich, 1971: Chelsea ayay labadii goolheyba ka dhaawacnaayeen halka uu goolhayaha 3-daad ku maqnaa fasaxa ciida gaalada Waxana goolha lagu aaminsay Webb oo daafac ka ciyaarayay waxana uu ilaashaday shabaqiisa iyada oo chelsea 2/0 ku gaartay guusha.

Cosmin Moti, for Ludogorets vs Steaua Bucharest, 2014: Xiddigan ayaa taariikhda ku galay goolka isaga oo kooxdiisa u soo saaray champions league kadib markii ay rikoorayaal gaartay ciyaartu kulan ahaa is reeb-reebka champions league waxana uu u ciyaari jiray kooxda Ludogorets.

Harry Kane for Tottenham vs Asteras Tripoli, 2014: Kulanka ayay Tottenham wakhti horeba dhalisay 5/0 waxana uu Harry Kane dhaliyay saddexley kulan ka tirsanaa Europe league, Kane ayaa goolka galay kadib markii kaarka cas loo taagay Hugo Lloris.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply