WARBIXIN: Bruyne,Sane,Pogba & 7 Xiddig Oo Ku Dagaalamaya Rikoor U Yaala Thierry Henry

Horyaalka premier league ayaa ah horyaal aan kaliya lagu tartamin gool dhalinta laakiin ah horyaal si weyn loogu tartamo gool caawinta taas oo ay jiraan xiddigo badan oo in ay gool dhaliyaan ka jecel in ay caawiye noqdaan.

Xiddiga reer France ahna halyeeyga kooxda Arsenal ee Thierry Henry ayaa ah xiddiga dhanka caawinta ugu badan taariikhda premier league halka xilli ciyaareedka.

Thierry Henry ayaa caawiye ka noqday 20 gool xilli ciyaareedkii 2002/2003 isaga oo ah xiddiga ugu ugu caawinta badan marka laga hadlayo hal xilli ciyaareed.

Waxa jira 7 xiddig oo kala duwan kuwaas oo xilli ciyaareedkan u miyo lisanaya in ay rikoorkaas jabiyaan xilli ciyaareedkan si ay u noqdaan boqorka caawinta.

Xiddigaha Henrikh Mkhitaryan,Leroy Sane,Paul Pogba,Dele Alli,Kevin De Bruyne,Riyad Mahrez iyo David Silva ayaa ah xiddigaha ku tartamaya xiddigii jabin lahaa rikoorka Henry.

Halkan Hoose kaga Bogo xiddigaha iyo waliba goolasha ay ilaa haatan caawiyaha ka noqdeen

  1. Kevin De Bruyne: 11 Caawin
  2. Leroy Sane: 10
  3. Paul Pogba: 9
  4. David Silva: 8
  5. Henrikh Mkhitaryan: 8
  6. Riyad Mahrez: 7
  7. Dele Alli: 7

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply