War Xun: Arsenal Oo Xaqiijisay In Uu Weeraryahan Kooxdeeda Ka Tirsan Garoomada Ka Maqnaan Doono Mudo Bil Iyo Bar Ah

Taageerayaasha kooxda Arsenal Iyo Waliba maamulka Gunners ee uu ugu horeeyo Tababare Arsene Wenger ayaa u soo baxay war aan fiicnayn kadib markii la xaqiijiyay in uu xiddig ciyaara kooxdeeda uu garoomada ka mqanaan doono muudo Fog kadib dhaawac soo gaaray.

Weeraryahanka reer France ee Alexandre Lacazette ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo 6 todobaad ah.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay uu weeraryahanka Alexandre Lacazette garoomada ka maqnaan doono kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray jilibka bidix.

Xiddiga ayaan garoomada ku soo laaban doono ilaa dhamaadka bisha March warkaas oo dhirbaaxo ku ah tababare Arsene Wenger oo xiddigan doonayay in uu ciyaarsiiyo tartanka Europe League maadama uuna weeraryahanka Aubameyang u ciyaari karin Arsenal.

Lacazette ayaa booskiisa u waayay Weeraryahanka cusub ee Pierre-Emerick Aubameyang isaga oo labadii kulan ee ugu dambeeyay kaydka fadhiistay.

Laakiin xiddiga reer France ayaa fursad u haystay in uu ciyaaro tartanka Europe league kaas oo ay haatan Arsenal muhiimada saari doonto kadib markii uu xaalku kusii adkaaday in ay kaalmaha ugu sareeya ku dhamaysato.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply