Tababaraha Kooxda PSG Ee Unai Emery Oo Go,aan Lama Filaan Ah Ka Gaari Doona Shaxdiisa & Xiddig Muhiim Ah Oo Uu Kaydka Dhigi Karo

Tababaraha Kooxda PSG ee Unai Emery ayaa la sheegayaa in uu samayn doono go,aan lama filaan ah isaga oo shaxdiisa Rasmiga ah ka seegi doona xiddig muhiim ah kulanka ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Real Madrid kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league.

Sida laga soo xiganayo wargayska L’Equipe tababaraha kooxda PSG ee Unai Emerey ayaa samayn doona go,aan lama filaan ah oo ku saabsan shaxdiisa Rasmiga ah ee uu kaga hor tagi doono kooxda Real Madrid.

Tababaraha reer Spain ayaa la sheegayaa in uu kaydka dhigi doono daafaciisa reer Brazil ee Khabiirka ah ee Thiago Silva kulanka caawa ay kooxdiisu la ciyaari doonto Real Madrid.

Unai Emery ayaa laga yaabaa in uu shaxdiisa ku soo bilaabo xiddiga da,yarka ah ee daafaca uga ciyaara kooxda PSG ee Presnel Kimpembe.

22 jirkan reer France ayuu aaminsan yahay in uu joojin karo xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo kaas oo PSG ku ah khatarta ugu weyn ee kulanka.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply