Taageerayaasha Real Madrid Oo U Codeeyay Shaxda Ay Tahay In Ay Kooxdoodu Kaga Hor Tagto PSG & Isco Oo Meesha Kala Baxay Karim Benzema

In ka badan 50 kun oo Akhristayaasha wargayska Marca ah ayaa doortay shaxdii ay kooxda Real Madrid kaga hor tagi lahayd kooxda Paris Saint-Germain kulan caawa.

Inta badan akhristayaasha ayaa u codeeyay in kaydka la dhigo xiddiga weerarka ka ciyaara ee Karim Benzema booskiisana laga ciyaarsiiyo xiddiga khadka dhexe ee Isco.

Akhristayaal ku dhan 36.04% ayaa ogolaaday shaxda uu soo jeediyay saxafiga Carlos Gonzalez shaxdaas oo ahayd sida tan:Keylor Navas; Nacho, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo; Luka Modric, Casemiro, Toni Kroos, Isco: Cristiano Ronaldo, Gareth Bale.

 

Shaxda 2-aad ee ay dadka ugu badan u codeeyeen ayaa aha 4-3-3 iyaga oo doortay in xiddigaha Marco Asensio & Isco ay ka garab ciyaaraan Ronaldo halka kaydka la dhigayo Bale & Benzema.

Shax ay weerarka ka wada ciyaarayaan xiddigaha Asensio, Ronaldo & Bale ayaa noqotay shaxda 3-aad ee ugu codka badan.

 

Si kasta ha ahaatee shaxda ugu macquulsan ee la filayo in uu Zidane la soo shir tago kulanka caawa ayaa ah mid 4-3-3 ah oo ay weerarka hogaaminayaan xiddigaha BBC.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply