Shaxda Ay Kooxda Real Madrid Ku Rajo Weyn Tahay In Ay Guul Ku Hogaamiso Kulanka PSG

Kulanka ugu weyn ee kooxda Real Madrid ee xilli ciyaareedkan ayaa dhici doona Arbacada iyaga oo la ciyaari doona kooxda Paris Saint-Germain, Zinedine Zidane ayaa haatanba og shaxdiisa Rasmiga ah ee kulankaas.

Xilli uu Dani Cavjal Ganaax ku seegayo Kulanka Nacho ayaa buuxin doona booskiisa daafaca midig laakiin inta kale ayaa ah xiddigaha sida joogtada ah ugu bilowday kulamada Real ee waaweyn.

Shaxda uu Zidane ku soo gali doono kulanka PSG ayaa ah: Keylor Navas; Nacho, Raphael Varane, Sergio Ramos, Marcelo; Casemiro, Toni Kroos, Luka Modric; Gareth Bale, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema.

Arinta xiisaha leh ayaa ah in ayna shaxdan wali ku wada bilaaban kulan xilli ciyaareedkan laakiin waa doorashada macquulka ah.

Tababare Zidane ayaa sidoo kale maskaxda ku hayn doona xiddigaha kaydka kuwaas oo kala ah Isco, Lucas Vazquez, Marco Asensio & Mateo Kovacic isaga oo ku rajo weyn in ay ciyaarta wax ka badalaan hadii uu u baahado.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply