Shan Arimood Oo Kooxda Juventus Ka Caawinaya In Ay Guul Ka Gaarto Kooxda Tottenham

Kooxda Juventus ayaa caawa marti galin doonta kooxda Tottenhm kulan ka tirsan lugtii 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league.

Tartanka champions league oo ay taageerayaasha kubada cagtu si weyn u xiiseeyaan ayaa caawa dib u bilaabmi doona iyada oo ay ku bilaabmi doono kulanka Juventus oo kaalinta 2-aad kaga soo baxday Group-keeda iyo Tottenham oo kaalinta 1-aad kaga soo baxday garoonkeeda.

Kulanka ayaa mid adag ku noqon doona kooxda Juventus kuwaas oo wali sugaya in ay ku guulaystaan 3 koob tan ilaa sanadkii 1996 laakiin waxa jira 5 arimood oo ka caawin kara in ay guul ka gaarto.

Waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 5-taas arimood ee Juventus ka caawin kara in ay ka gudubto caqabada kooxda Tottenham kulana caawa:

1.Khibrada: Juventus ayaa la oran karaa in ay tahay koox ka mid ah kooxaha ugu da,da weyn tartanka iyada oo laba jeer ku guulaystay tartanka sidoo kale ah kooxdii finalka tagtay xilli ciyaareedkii hore iyo waliba midkii 2015 markaas oo ay labada jeerba Real iyo Barca ka qaadeen, dhanka kale kooxda Juventus ayaan waligeed ku guulasan tartanka iyada oo khibradu door weyn ka qaadan karto go,aaminta kulanka.

2.Awooda Daafaca: Juventus ayaa haysata daafacyada ugu fiican adduunka iyo waliba yurub, inkasta oo uu Leonardo Bonucci ka tagay xilli ciyaareedkii hore hadana daafaca kooxda ayaa wali ah mid wacdaro dhigaya iyaga oo ay hogaaminayaan Medhi Benatia,Daniele Rugani iyo khabiirka Giorgio Chiellini, Sidaa darteed weeraryahanada Tottenham ayaa ku dhibaatoon doona dhaafista gidaarka Juventus ee daafaca.

3.Dookhyada kala duwan ee Weerarka: Kooxda Juventus ayaa ku jirta marxalad fiican marka loo eego dhanka xiddigaha iyada oo haysata xiddigo awood u leh in ay ka ciyaaraan boosas kala duwan oo weerarka ah Paulo Dybala,Juan Cuadrado,Mario Mandžukić,Douglas Costa Iyo Waliba Gooldhaliyaha Kooxda ee Gonzalo Higuaín kaas oo khatar weyn ku noqon doona daafacyada kooxda reer London.

4.Ka Faa,iidaysiga Taageerayaasha & Garoonka: Juventus ayaa isku dayi doonta in ay ka faa,iidaysato garoonkeeda cadaadisna saarto kooxda Tottenham iyaga oo ay garab taagan yihiin taageerayaasha aan niyad jabin iyaga oo kooxda reer Italy isku dayi doonto in ay isla kulankaba u sii gudubto wareega xiga.

5.Xusida Buffon: Wakhtigii khabiirka goolka ee Buffon ayaa haatan ah mid gaba-gabo ah isaga oo ciyaaraya xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay waxana ay saaxiibadiisu u dadaali doonaan sidii uu kubada cagta ugu macasalaamayn lahaa koobka champions leageu oo uuna waligii ku guulaysan kubadiisa ciyaareed.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply