Real Madrid vs PSG: Qiimaha Lacageed Ee Ay Ku Fadhiyaan Xiddigaha Labada Kooxood Oo La Ogaaday

Xiddigo badan oo ka mid ah xiddigaha ugu qaalisan adduunka ayaa caawa isaga hor iman doona garoonka Estadio Santiago Bernabeu kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league.

Xiddigaha caawa iska hor iman doona una kala ciyaara kooxaha PSG iyo Real Madrid ayaa ku dhawaad ku fadhiya qiimo lacageed oo dhan 1.2 Bilyan euro.

Real Madrid ayaa tusaale ahaan ku fadhida lacag dhan 469 milyan oo euro oo ay ku kacayaan 23-ka xiddig ee ay kooxdeedu ka koobantahay.

Xiddigaha Ugu Qaalisan Kooxda Real Madrid:

  1. Cristiano Ronaldo 96m euros
  2. Gareth Bale 91m euros
  3. Karim Benzema 35m euros
  4. Mateo Kovacic 31m euros
  5. Luka Modric 30m euros
  6. Isco 30m euros
  7. Toni Kroos 30m euros
  8. Theo Hernandez 28m euros
  9. Sergio Ramos 27m euros
  10. Dani Ceballos 16.5m euros

PSG ayaa dhankeeda lacago waali ah la galinayay sanadihii ugu dambeeyay waxana 466 Milyan oo euro ku fadhiya kaliya 3-da xiddg ee weerarka uga ciyaara kooxda.

Xiddigaha Ugu Qaalisan PSG:

  1. Neymar 222m euros
  2. Kylian Mbappe 180m euros
  3. Edinson Cavani 65.5m euros
  4. Angel di Maria 63m euros
  5. Thiago Silva 42m euros
  6. Javier Pastore 42m euros
  7. Julian Draxler 40m euros
  8. Marquinhos 31.4m euros
  9. Layvin Kurzawa 25m euros
  10. Yuri 16m eurosQiimaha Haatan Ee Shaxda ku bilaaban doonta Kulanka:

    Dabcan xiddigo badan oo kor ku xusan ayaa la soo iibsaday sanado ka hor intii uuna suuqa kala iibsigu sida haatan u waalan waxana lagu soo iibsaday qiimayaal macquul ah.

    Arinta xiisaha leh ayaa ah marka la qiyaaso qiimahayaasha labada kooxood qiimaha xiddigaha kooxda Real Madrid ayaa u qalma lacag dhan 853 halka xiddigaha kooxda PSG qalmaan lacag dhan 756 milyan euro.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply