Real Madrid Oo Lacag Dhan 600 Oo Milyan Boodhka Uga Jafaysa Kooxdeeda Xagaaga

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay suuqa Galiso lacag dhan 600 oo Milyan si ay boodha uga jafto kooxdeeda qaab ciyaareedka liita ku jirta xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.

Los Blancos ayaa qaab ciyaareed liita ku jirta xilli ciyaareedkan iyada oo 17 dhibcood ka dambaysa kooxda hogaanka u haysa horyaalka La Liga ee Barcelona.

Sida laga soo xigtay Sports Illustrated, kooxda ayaa raadin doonta inay sameyso saxiixyo dhowr ah xagaagaan, waxaana ay sidoo kale ka fikirayaan inay bedelaan Zinedine Zidane shaqada tababaranimo ee kooxdana u dhiibaan tababaraha Tottenham Mauricio Pochettino.

Wargeyska ayaa sheegaaya in Madrid ay sidoo kale bartilmaameedkeeda ugu weyn ka dhigatay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane, waxaana ay isku diyaarinayaan inay bixiyaan lacag dhan 300 milyan oo euro si ay u helaan xiddiga.

Kooxda Real Madrid ayaa haatan kaliya rajo ka leh ku guulaysiga tartanka champions league iyaga oo maanta wajihi doona kooxda Paris Saint-Germain.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply