RASMI: Kooxda Barcelona La Ciyaari Doonta Koobka Joan Gamper Trophy Ee Xagaaga Oo La Ogaaday

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay kooxda ay xagaaga la ciyaari doonto koobka saaxiibtimimada ah ee ay sanadlaha ah ee Joan Gamper Trophy.

Joan Gamper Trophy ayaa ah koox saaxiibtinimo ah oo lagu xuso xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Joan Gamper kaas oo la ciyaaro ka hor bilowga xilli ciyaareedka.

Kooxda Barcelona ayaa koobka xagaaga ku marti qaadaysa kooxda reer Argentine ee Boca Juniors,Warkan ayuu ku dhawaaqay madaxweynaha kooxda Boca Juniors ee Daniel Angelici maalintii isniitii la soo dhaafay.

“Waxaan u safri doonaa Barcelona bisha August” ayuu yiri.

Kooxda Boca Juniors ayaan markii ugu horaysay ka qayb qaadan tartanka maadama ay isla tartantkan ka qayb qaadataya sanadkii 2008.

Kooxda Barcelona ayaa sanadkii hore koobka ku marti qaaday kooxda reer Chapecoense taas oo ay ku habsatay masiibo kadib markii ay qaraxday diyaarad waday xiddigaha kooxdaas.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply