Rasmi: Jurgen Klopp Oo Soo Saaray 25-Ka Xiddig Ee Uu Kaga Hor Tagi Doono Porto & Go,aano Lama Filaan Ah Oo Uu Sameeyay

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo saaray liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Porto kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league.

Liiska ayaa si lama filaan ah loogu arkay daafaca Nathaniel Clyne kaas oo aan wax kulan ah u ciyaarin kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan.

Jurgen Klopp ayaa sidoo kale liiska xiddigaha uu qaatay ku soo daray xiddiga khadka dhexe ee Emre Can kaas oo hal kulan oo ganaax ah qaadan doona.

Daafaca Joe Gomez ayaa sidoo kale ka soo muuqday liiska 25 xiddig ee uu Klopp u soo xushay kulanka Porto kaas oo seegay labadii kulan ee ugu dambaysay.

Halkan Hoose Kaga Boo Liiska Oo dhamaystiran:

Karius, Mignolet, Ward, Grabara, Clyne, Van Dijk, Lovren, Gomez, Klavan, Moreno, Robertson, Matip, Alexander-Arnold, Wijnaldum, Milner, Henderson, Lallana, Oxlade-Chamberlain, Can, Woodburn, Firmino, Salah, Mane, Ings, Solanke.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada