Rasmi: Inter Milan Oo Kooxaha Real Madrid & Atletico Madrid Ku Garaacday Saxiixa Xiddig Aad Loo Qiimeeyo

Kooxda Inter Milan ayaa kooxaha isku magaalada ah ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ku garaacday saxiixa weeraryahanka reer Argentine ee Lautaro Martinez sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy.

Weeraryahanka reer Argentine oo 20 jir ah ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee wadankiisa, waxaana uu diirada u saaran yahay kooxo waaweyn oo reer yurub ah.

Gazzetta dello Sport ayaa ku warameysa in Inter Milan oo ku raad joogtay muddo dheer in ay ugu dambayn dhamaystirtay saxiixiisa kaas oo ay ku soo afjartay lacag dhan 17.6 milyan euro.

Martinez ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu todobaadkii ku qaadan doono lacag dhan 25 kun kaas oo hor u kici doona 12-kii biloodba.

Sidoo kale da,yarka ayay heshiiskiisa ku dartay lacag lagu bur-burin karo oo dhan 105 milyan oo euro kaas oo ka badan lacagta haatan lagu bur-burin karo weeraryahankooda Mauro Icardi kaas oo lagu bur-burin karo lacag dhan 97 milyan oo euro.

Madaxweyne ku xigeenka Inter Milan ee Javier Zanetti iyo agaasimaha kooxda ee Diego Milito ayaa soo dhamaystiray heshiiska ay xiddigan kula soo wareegeen.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply