Rasmi: Garoonka Lagu Qaban Doono Finalka Copa del Rey Oo La Shaaciyay

Xiriirka kubada cagta Spain ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay garoonka lagu qaban doono finalka Copa del Rey oo ay wada ciyaari doonaan kooxaha Sevilla iyo Barcelona kuwaas oo iska soo xaadiriyay finalka.

21 bisha April 2018 ayaa garoonka Kooxda Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano lagu qaban doonaa finalka tartanka Copa del Rey.

Garoonka kooxda Atletico Madrid ayaa sanadkii 2-aad oo xiriir ah marti galinaya finalka Copa del Rey kadib markii garoonkii hore ee Vicente Calderón Stadium.

Kooxda Barcelona ayaa finalka Copa del Rey Gaartay iyada oo labadii lugood ka kala badisay kooxda Valencia iyada oo ku badisay gool xilli aan wax gool ah laga dhalin iyaga.

Dhanka kooxda Sevilla ayaa soo dhaaftay kooxda Leganes iyaga oo labadii lugood uga soo kala badiyay 3/1 sidaasna ku yimid Finalka.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada