Qorshaha Ay Bayern Munich Ka Damacsantahay Mustaqbalka James Rodriquez Oo La Ogaaday

Qorshaha ay kooxda Bayern Munich ka damacsantahay mustaqbalka xiddiga amaahda ugu jooga ee James Rodriquez ayaa la ogaaday xilli uu xiddiga reer Colombia wakhti fiican ku qaadanayo horyaalka Germany halkaas oo uu si lama filaan ah amaah ugu biiray xagaagii hore.

Xiddiga reer Colombia ayaa ku dhibaatooday kooxda uu hogaamiyo Zidane ee Real Madrid isaga oo aan ka haysan boos joogto ah xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin xiddiga ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa isaga oo kooxda Bayern Munich ku soo bandhigay qaab ciyaareed aad loola dhacay.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay kooxda Bayern Munich doonayso in ay si toos ah ula wareegto xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Bayern Munich ayaa si toos ah wadahadalo ula gali doonta dhigeeda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay si toos ah ugula wareegto xiddiga.

James ayaa isugu diyaar u ah in uu si joogto ah ugu biiro kooxda Bayern Munich maadama uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda xilli ciyaareedkan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply