Philippe Coutinho Oo Sheegay Wakhtigii Uu Xiriirka La Sameeyay Barcelona Ka Hor Inta Uuna Suuqii Janaury Ku Biirin

Philippe Coutinho ayaa wali sii wada in uu Kasho siraha ku saabsan ku biiristiisii kooxda Barcelona ee uu ugu biiray Suuqii January markaas oo uu noqday xiddiga 2-aad ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga isaga oo kaliya ka dambeeya xiddiga ay isku xulka yihiin ee Neymar.

Philippe Coutinho ayaa shaaca ka qaaday inuu xiriir la lahaa Barcelona ka hor inta aysan xagaagii la soo dhaafay dalabyo ka soo gudbin.

Kooxda reer Catalonia ayaa ku fashilantay saddex dalab oo ay xagaagii ka gudbusay xiddiga reer Brazil laakiin waxa ay ugu dambayn xiddiga heleen bishii hore iyaga oo ku iibsaday lacag dhan 145 milyan euro.

Liverpool ayaa diiday in ay xiddiga iibiso xagaagii laakiin waxa ay awoodi wayday in ay sii haysato bishii January isaga oo ugu dambayn rumeeyay riyadiisa ku biirista Camp Nou.

Wareysi uu siiyay SPORT, Coutinho ayaa qirtay wakiilkiis kooxda Barcelona kala hadlay heshiiska ka hor inta ayna Barcelona dalabkii ugu horeeyay ka gudbin.

“Waa laga wada hadlay laakiin waxa uu ahaa xagaagii markii ay dalab Dhab ah soo gudbiyeen anagana nala soo hadleen”ayuu yiri.

“Intaas ka hor waxa jiray wadahadalo wakiilkayga ayaa xiriir la lahaa kooxda, laakiin ma jirin wax sax ah”.

Coutinho ayaa qirtay in uu go,aan ku gaaray in uu Barcelona ku biiro bilowgii xilli ciyaareedkan isaga oo xitaa warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka Liverpool.

“isla markii aan ogaaday in ay Barcelona i doonayso, waxa aan u sheegay wakiilkayga in aan doonayo in aan halkan imaado, waxa aan si cad u xaqiijiyay ugu horayntii”.ayuu sii raaciyay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply