Philippe Coutinho Oo Durba Ku Soo Laabanaya Liverpool & Anfield Inkasta Oo Uu Dhawaan Ka Tagay

Xiddiga kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa ku soo laaban doona Liverpool isaga oo waliba ku ciyaari doona garoonka Anfield.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka tagay kooxda Barcelona bishii hore suuqa Kala iibsiga isgaa oo noqday xiddiga 2-aad ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa durba ku soo laaban doona Anfield inkasta oo uu ka maqnaa muddo bil ku dhaw isaga oo mar kale ku dhex ciyaari doona.

Xiddigii Hore ee Liverpool ayaa ka qayb qaadan doona kulan saaxiibtinmo ah oo uu xulka qaranka Brazil Anfield kula ciyaari doono Croatia isku diyaarinta koobka adduunka.

Sida laga soo xigtay Liverpool Echo Reds ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta labada xul si ay u marti galiyaan kulanka saaxbiitinimo.

Taageerayaaal Badan oo Reds ah ayaa la filayaa in ay ka soo qayb galaan kulankaas si ay u daawadaan Coutinho,Neymar iyo waliba weeraryahankooda Robterto Firmino.

Sidoo kale Waxa Anfield ku ciyari doona daafaca koxda Liverpool ee Dejan Lovren kaas oo isna ka mid ah xiddigo aqoon u leh garoonka.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada