Ousmane Dembele Oo Seegay Tababarkii Kooxdiisa Ee Shalay & Xiddiga Oo Uu Dhaawac kale Soo Gaaray

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Demeble ayaa u muuqda mid aan guul ku gaari doonin kooxdiisa Barcelona kadib markii uu dhaawac kale soo gaaray kaliya maalmo kadib markii uu ka soo laabtay dhaawac kale oo uu la macnqaa muddo bil ah.

Ousmane Dembele ayaa seegay tababarkii Barcelona Isniintii isagoo dhibaato muruqa ah qaba, sida kooxdu warbixin ku seegtay.

Ernesto Valverde ayaa xiddigo dhawr ah ka keenay Barcelona B si uu tababarka ugu buuxiyo maadama xiddigihii ciyaaray kulankii Getafe ay qaadanayeen tabababar fudud.

Tababaraha ayaa haatan kooxda 1-aad siin doona laba maalmood oo fasax ah iyaga oo tababarka ku soo laaban doona khamiista ka hor kulanka ay todobaadka dambe u safri doonaan Eibar.

Gerard Pique ayaan ku soo bilaaban kulankii Getafe sababo la xiriira dhaawac jilibka ah waxana uu awoodi waayay in uu tababarka qaato isaga oo kaligii shaqaynayay.

Ma jirto wax warbixin ah oo ay kooxdu ka soo saartay in uu taam u noqon doono in uu wajoho kooxda Eibar iyo chelsea todobaadka dambe.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply