Neymar Oo Uu Dhaawac Ka Soo Gaaray Kulankii Ay Kooxdiisu Guusha Ka Gaartay Toulouse, Miyuu Ciyaari Karaa Kulanka Real

Weeraryahanka kooxda PSG ee Neymar ayuu dhaawac soo gaaray kulankii ay kooxdiisu dirqiga uga badisay kooxda Toulouse kana tirsanaa horyaalka France iyo todobaadkiisii 25-aad.

PSG ayaa kooxda Toulouse uga badisay gool uu dhaliyay Neymar qaybtii dambe ee ciyaarta waxana uu warkan u xun yahay kooxda PSG oo isku diyaarinaysa kulanka ay la ciyaari doonto kooxda Real Madrid.

Kooxda reer France ayaa Arbacada garoonka Santiago Bernabéu Stadium ku booqan doonta kooxda Real Madrid kulan ka tirsan lugtii 1-aad ee wareega 16-ka ee tartanka champions league.

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ayay ku dhacday jugo badan intii ay socotay ciyaartu taas oo ugu dambayn keentay in uu dhaawacmo ka hor kulanka champions leageu.

Xiddiga reer Brazil ayaa baraha bulshada ku faafiyay sawir uu kuraamaha lugtiisa ku xiray Baraf isaga oo ku soo qoray “Xanuun la’aan, waxba laguma helo”.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer Brazil ayaa taam u noqon doona kulanka Ay La Ciyaari doonaan Real Madrid maadama uuna dhaawacu ahayn mid aad halis u ah

Waxa sidoo kale si weyn looga shakisan yahay in uu Edison Cavani ciyaari karo kulanka Arbacada xilli uu xiddigu seega kulankii xalay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply