Muran Dhamaaday: Lionel Messi Mise Cristiano Ronaldo? Angel Di Mria Oo Sheegay Xiddiga Fiican

Xiddiga kooxda PSG ee Angel Di Maria ayaa ka hadlay xiddigaha sida weyn la isku bar-bar dhigo ee Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi isaga oo aaminsan markii ugu dambaysay xiddiga fiican labada xiddiga.

Labada xiddig ee u kala ciyaara kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayuu xafiiltan weyn ka dhexeeyay in ka badan 10 sano iyaga oo mar kasta oo xiddiga ugu fiican adduunka la soo hadal qaado magacyadooda.

Tan ilaa sanadkii 2008 labada xiddig ayaa kala qaybsaday abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or iyaga oo min 5 jeer ku guulaystay.

Ronaldo ayaa ah xiddiga ku dambeeyay abaalmarinta isaga oo ku guulaystay 4 ka mid ah 5-tii sano ee ugu dambaysay kadib markii uu Messi ku guulaystay abaalmarinta 2009 ilaa 2012.

Labada xiddig ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed wali ah sanadihii ugu dambeeyay waxana ay dad badan ku murmaan in uu xiddigoodu yahay midka ugu fiican adduunka.

Laakiin Di Maria ayaa aaminsan in uu ogyahay jawaabta kama dambaysta ah waxana la odhan karaa in uu xiddiga PSG joogo boos uu ku bixin karo fikirkiisa maadama uu labada xiddigba ka soo garab ciyaaray.

2010 ilaa 2014 xiddiga reer Argentine ayaa ka soo garab ciyaaray Ronaldo iyaga oo wada joogay Real Madrid halka uu sidoo kale Messi kaga garab ciyaaray xulka qaranka Argentin.

Di Maria ayaa yiri: “Messi mar walba waa kan ugu fiican, waa ciyaaryahanka ugu fiican sannadk kasta, Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahan qaas ah, lakiin Messi ayaa ka imaanaya adduunyo kale”.

“Ma jiraan Kalmado lagu qeexi karo Messi, mar walba wuu kaa yaabsanayaa”.

Messi ayaa dhawaan ka hadlay fursadiisa ku guulaysiga Ballon d’Or-kii 6-aad waxana uu sheegay 3 xiddig oo kula tartami doona abaamarinta oo uu ku jiro Ronaldo.

“Waxa jira xiddigo fiican oo haatan jira kuwaas oo ku guulaysan kara abaalmarinta Ballon d’Or’ayuu Messi u sheega WorldSoccer Magazine.

“Sanadihii ugu dambeeyay waxa jiray kaliya laba xiddig, laakiin haatan waxa jira xiddigha Neymar, Kylian Mbappe & Luis Suarez kuwaas oo u tartami kara abaalmarinta”

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply