Michy Batshuayi Oo Shaaca Ka Qaaday Arin La Yaab Leh Oo Ku Qancisay In Uu Ku Biiro Borussia Dortmund

Weeraryahanka Michy Batshuayi ayaa shaaca ka qaaday in uu Borussia Dortmund ugu biiray jacayl uu u qabo midabka madawga iyo Jaalaha isugu jira ee kooxda Borussia Dortmund sababtoo ah waxa uu taageeraa Spongebob Square Pants iyo Batman.

Weeraryahanka amaahda ugu jooga koxda Reer Germany ayaan wakhti iska lumin isaga oo laba gool dhaliyay kulankiisii ugu horeeyay ee ay kooxda Dortmund guusha ka gaartay kooxda Cologne.

Xiddiga reer Belguim ayaa kooxda chelsea ka tagay maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga kadib markii Chelsea la soo wareegtay Olivier Giroud.

Dortmund ayaa si deg-deg ah ugu dhaqaaqday saxiixa Batshuayi kadib markii uu xidigu sheegay in uu jecelyahay midabka uu ka kooban yahay maaliyadaha kooxdoodu.

Wuxuu u sheegay suxufiyiinta: “Waan jeclahay madow iyo huruud.

“Madow iyo jaalle waa Batman, madow iyo jaalle waa Spongebob!”

Batshuayi ayaa ku kaftamaya in uu Pierre-Emerick Aubameyang ka badali doono Batman-ka kooxda.

Spongebob Square Pants iyo Batman ayaa ah films waxana ay Aubameyang iyo Reus ay ku dabaal degi jireen marka ay goolasha u dhaliyaan Dortmund.

 Batshuayi has already signalled his intentions to replace Aubameyang as Dortmund's new Batman

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply