Man United Oo Doonaysa Saxiixa Xiddig Reer Germany Ah & Hal Dhibaato Oo Hor Taagan

Kooxda Man United ayaa qorshaynaysa suuqeeda xagaaga waxana ay indha-indheeyayaal u kala dareen horyalada kala duwan iyaga oo doonaya in ay si dhaw ula socdaan xiddigaha ay doonayaan in ay adeegooda u dhaqaaqaan xagaaga marka uu dhamaadka xilli ciyaareedkan haatan.

Kooxda Man United ayaa indha-Indheeyayaal u dirtay Germany gaar ahaan kooxda RB Leipzig iyaga oo soo daawanayay xiddiga reer Germany ee Timo Werner kulankii ay kooxdiisu ka badisay kooxda Augsburg.

Man United iyo Real Madrid ayaa la aamisnan yahay in ay labadooduba xiiso u qabaan xiddiga reer Germany ee 21 jirka ah kaas oo ku jira qaab ciyaareed fiican.

Laakiin wararka ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Atletico Madrid kula biirtay baacsiga xiddiga sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Germany.

Wargayska Sport Bild ayaa sheegaya in ay kooxda Atletico Madrid lafteedu indha-indheeyayaal u soo dirtay xiddiga kulankii Jimcihii.

Agaasimaha kooxda Leipzin ayaa dhawr jeer ku celiyay in ayan iibinayn Werner waliba u dagaalimi doonaan sidii ay ku sii haysan lahaayeen xiddiga.

Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegayay in wadahadaladii heshiis kordhinta ee ay doonayeen in ay xiddiga heshiis cusub kaga saxiixdaan in uu istaagay taas oo kooxo badan heegan galinaysa.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply