Man United Oo Ac Milan U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Andre Herrera

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Dhigeeda Ac Milan ku war galisay in ay diyaar u tahay in ay ka iibiso xiddiga khadka dhexe ee Andre Herrera marka la gaaro dhamaadka xilli ciyaareedkan ee uu suuqa kala iibsigu dib u furmo xagaaga.

Laakiin Man United ayaa hal shardi hor dhigtay kooxda Ac Milan si ay u hesho xiddiga khadka dhexe ee 28 jirk ah ee aan booska joogtada ah ka haysan kooxda Man United.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Man United u sheegtay Ac Milan in ay miiska saarto lacag dhan 35 milyan oo euro si ay u hesho xiddigii hore ee kooxda Atletico Bilbao.

Herrera ayaa Man United ku soo biiray sanadkii 2014 waxana uu xilli ciyaareedkii hore ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda Man United laakiin xiddiga ayaa xilli ciyaareedka ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo Man United.

 

Ac Milan ayaa doonaysa in ay xiddigan hesho xagaaga si ay ugu xoojiso kooxdeeda iyada oo waliba xiddiga u balan qaaday boos joogto ah oo xilli ciyaareedka dambe ah.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply