Man City Oo Xasuuq Aan Loo Kala Hadhin U Gaysatay Basel Si Bilaa Muran Ahna Hal Lug Ula Gashay Wareega Xiga

Kooxda Man City ayaa durba tigidhka u sii goosatay wareega 8 dhamaadka tartanka champions league kadib markii ay kooxda Basel ku soo xasuuqday garoonkeeda kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league.

City ayaan wakhti badan sugin in ay khatar galiso goolka kooxda Basel iyaga oo uu markiiba xiddiga khadka dhexe eee Gundogan khatar galiyay kooxda Basel.

Twitter video is loading

Basel ayaa daqiiqadii 6-aad u jawaabtay kooxda Man City iyaga oo khatar galiyay goolka kooxda Man City iyaga oo weeraryahanka Basel ee Shanks uu ku sigtay in uu gool ka dhaliyo City.

Kooxd Man City ayaa daqiiqadii 14-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan kaas oo madax ka dhaliyay hogaankana u dhiibay kooxda Man City.

City ayaa halkeedii kasii waday weeraradii ay qaadaysay waxana ay daqiiqadii 18-aad dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu si qurux badan gool ugu dhaliyay xiddiga Bernardo Silva kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay City hogaanka ku hayso.

Daqiiqadii 23-aad ayay Man City mar kale shabaqa Basel soo taabatay iyaga oo uu goolka 3-aad u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Sergio Aguero kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay City ugu raaxaysanayso hogaanka ciyaarta.

Man City ayaa dhalin kartay goolal intaas ka badan marka loo eego fursadihii ay samaynaysay iyo weerarkii waalida ahaa ee ay kooxda Basel ku haysay.

Man City ayaa qabtii dambe si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay sii wataa goolasha si ay u dhaliyaan goolal badan ciyaartana kulankan u dilaan.


City ayayna wakhti dheer ku qaadan in ay goolka 4-aad dhaliso iyaga oo uu daqiiqadii 53-aad u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Waxa sidaas ku dhamatay guul weyn oo waliba muhiim ah oo ay kooxda Man City ka gaartay kooxda Basel taas oo la macno ah in ay Man city wareega xiga ugu baxayso natiijo walba oo ay kulanka kale hesho

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply