Man City Oo Jabisay Rikoor Ay Kooxda Liverpool Champions League Ka Dhigtay 11 Sano Ka Hor

Kooxda Man City ayaa 4/0 ku xasuuqday kooxda Basel kulan ka tirsanaa lugtii 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league xilli ciyaareedkan.

Goolal ay dhaliyeen Ilkay Gundogan (2), Bernardo Silva iyo Sergio Aguero ayaa City ka caawiyay in ay ciyaarta dilaan kulanka lugta 1-aad.

Guushaas ayaa kooxda Man City ka caawiso in ay jabiso rikoor u yaalay kooxaha Premier league ee tartanka champions league.

Guusha ayaa City si fiican uag caawinaysa in ay haatanba u soo baxday wareega 8 dhamaadka iyada oo lugta dambe natiijo kasta ku soo baxda.

Guusha 4/0 ah ayaa ah guusha ugu weyn ee ay koox Premier league ah ka gaarto wareega tooska loo haro ee champions league iyada oo waliba ku ciyaaraysa meel ka baxsan garoonkeeda.

Rikoorkii ugu weynaa ayaa ahaa mid ay kooxda Liverpool dhigtay saandkii 2006/007 markaas oo ay 3/0 uga badisay kooxda PSG kulan ka tirsanaa quarter-final-ka champions league.

Reds ayaa fursad u haysata in ay dib u soo ceshadaan rikoorkooda marka ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Porto kulan ka tirsan isla wareega 16 -ka ee champions league.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply