Madaxweynaha Real Madrid Ee Florentino Pérez Oo Xiddig Ka Jeclaaday Kooxda Tottenham, Man Ahan Harry Kane

Wargayska Don Balon ayaa shaaca ka qaaday maanta oo salaasa ah rabitaanka madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Pérez uu ku doonayo in uu ciyaara kooxda Tottenham si uu ugu xoojiyo kooxdiisa marka la gaaro xagaaga dambe xilli uu isku diyaarinayo in uu sameeyo isku shaandhayn weyn oo boos walba oo kooxda ah.

Madaxweynaha kooxda ee Florentino Pérez ayaa doonaya daafaca kooxda Tottenham ee Toby Alderweireld kaas oo uu doonayo in uu ku xoojiyo daafaciisa xilli ciyaareedkan aadka u liita.

Xiddiga reer Belguim ee 28 jirka ah ee Alderweireld ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku qaadanayo kooxda North Loddon tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda sanadkii 2015.

Sida laga soo xiganayo Wargayska Don Balon Florentino Pérez ayaa Toby Alderweireld xiddig daafaca Real Madrid ku lamaanayn kara kabtankiisa Sergio Ramos xilli ciyaareedka dambe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Florentino Pérez markii hore doonayay in uu la soo saxiixdo daafaca kooxda Ac Milan ee Leonardo Bonucci laakiin uu haatan dareenkiisa u jeedinayo xiddiga kooxda Tottenham.

Kooxda difaacanaysa champions league ayaa diyaar la ah lacag dhan 30 milyan oo euro si ay kooxda Tottenham ugu qanciso in ay xiddiga u ogolaato in uu u dhaqaaqo Spain.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada