Liverpool Oo Ugu Dambayn Xal Waara U Heshay Hal Dhibaato Oo Ay Xalkiisa Ku Dhibaatootay

Kooxda Liverpool ayaa u muuqata mid xal waara u heshay hal dhibaato oo ay ku dhibaatoonaysay tan iyo markii uu Jurgen Klopp la wareegay shaqada kooxda Liverpool kana badalay tababarihii hore ee Branden Rodgers.

Reds ayaa wakhtigii Jurgen Klopp ahayd koox soo bandhigtay qaab ciayaareed cajiib ah oo waliba dad badan soo jiitay laakiin hal dhibaato la tacaalaysay.

Dhibaatadaas ayaa ahaydd dhanka goolka iyaga oo goolhayayaasheeda Simon Mignolet uu ahaa dhibaato joogto ah oo kooxda ka khasaariyay dhibco badan.

Laakiin Qaab ciyaareedkii kulamadii ugu dambeeyay ee Loris Karius ayaa rajo u muujiyay Klopp iyo kooxdiisa in ay ugu dambayn xal u heleen dhibaato uu xallkoodu ku daba dheeraaday.

Loris Karius ayaa haatan ku guulaysanaya tartanka loogu jiro goolhayaha 1-aad ee kooxda Liverpool kadib markii uu si joogto ah u ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay.

Goolhayaha reer Germany ayaa ka mid ah saxiixyadii ugu horeeyay ee Jurgen Klopp markii uu Anfield la wareegay isaga oo 4.7 milyan euro uga soo qaatay kooxda Mainz sanadkii 2016.

Waxa uu inta badan wakhtigiisii Liverpool ku qaatay kaydka isaga oo ka dambeeyay goolhayaha khaladka badan ee Simon Mignolet.

Laakiin Karius oo 24 jir ah ayaa Klopp ku qasbay in uu kalsoonida siiyo kadib qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay 5-tii kulan ee ugu dambaysay.

Ka Hor kulanka habeen dambe ee champions league ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in uu Karius noqon doono goolhayaha 1-aad ee ciyaari doona taas oo la macno ah in aanu klopp labadiisa Goolhaye ku kala ciyaari doonin tartamada champions league & Horyaalka.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply