Liverpool Oo Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga Ku Garaacaysa Man United & Tottenham

Kooxda Liverpool ayaa u muuqata mid ku guulaysanaysa saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga iyada oo waliba ku garaacaysa saxiixiisa kooxaha kula xafiiltama horyaalka premier league ee Manchester United Iyo Tottenham sida ay sheegayaan wararku.

jurgen Klopp ayaa ku guulaysanaya tatanka loogu jiro saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara kana xamaasha horyaalka La Liga gaar ahaan kooxda Deportivo La Coruna ee Pinchi.

Tababaraha Liverpool ayaa kula tartamaya kooxaha Man United iyo Tottenham saxiixa weeraryahanka reer Spain ee 22 jirka ah.

22 jirkan ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana lagu heli karaa lacag yar oo mag dhaw ah taas oo la sii doono kooxda reer Spain.

Xiddiga ayaa u ciyaarayay kooxda 2-aad ee kooxda Deportivo waxana uu qaab ciyaareedkiisu soo jiitay indhaha kooxaha premier league waxana uu haatan ku dhaw yahay in uu xagaaga u dhaqaaqo premier league.

Klopp ayaa doonaya in uu xoojiyo weerarkiisa kadib markii uu Philippe Coutinho u waayay kooxda Barcelona waxana uu Pinchi ku soo baxayaa qaab ciyaareedka Tababaraha Liverpool.

Pinchi ayaa weerarka kula tartami doona xiddigaha Roberto Firmino, Mo Salah Iyo Sadio Mane kuwaas oo aan wakhti nasasho la siin xilli ciyaareedkan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply