Liverpool Oo Saxiixeeda Ugu Horeeya Ee Xagaaga Ka Dhiganaysa Xiddig 50 Milyan Lagu Qiimeeyo Oo Premier League Ka Ciyaara

Kooxda Liverpool ayaa suuqa xagaaga si xoogan u gali doonta iyada oo ku hubaysan lacagtii ay suuqii January ku iibisay iskuna dayi doonta in ay kooxda boos walba ka xoojiso si ay xilli ciyaareedka dambe koobab ugu tartanto.

Kooxda Liveprool ee uu hogaamiyo Tababare Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in ay xagaaga 50 milyan ku bartilmaameedsan doonto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester city ee Wilfred Ndidi.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester city ayaa la sheegayay in uu lacag badan ugu dhaqaaqi doono Anfield kadib markii uu Jurgen Klopp la dhacay qaab ciyaareedka xiddiga.

Wargayska New Telegraph kana soo baxa dalka Nigeria ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool 50 milyan ugu dhaqaaqi doonto saxiixa Ndidi dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa la sheegayaa in uu la dhacsan yahay qaab ciyaareedka jir ahaaneed ee Ndidi iyo waliba qaabka fiican ee uu kubada u dilo.

Ndidi oo 21 jir ah ayaa xilli ciyaareedkan sameeyay kubad dilista ugu badan xiddigaha khadka dhexe ee horyaalka premier league.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply