Liverpool Oo Kulanka Fc Porto Ee Caawa Boodhka Ka Jafi Doonta Rokoor Ay Ugu Dambaysay Muddo 9 Sano Ah

Kooxda Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha ugu magaca weyn qaarada yurub iyaga oo 5 jeer ku guulaystay tartanka champions league iyada oo ah kooxda ugu guulaha badan ee ka dhisan dalka England.

Si kasta ha ahaatee waxa ay ahayd wakhti adag Anfield maadama ay ku fadhilmeen in ay gaaraan wareega sida toos ah loo haro tan iyo sanadkii 2009.

Laakiin rikoorkaas ayaa is badalaya caawa oo Arbaca ah marka ay kooxda Jurgen Klopp la ciyaaro lugta 1-aad ee tartanka wareega 16-ka tartanka kooxda Porto.

Sanadkii 2009 tartanka ayaa laga reebay Reds iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda chelsea isku gaynta labada gool oo dhan 7/5 markii ay bar-baro 4/4 ah galeen lugtii 2-aad.

Tan iyo sanadkaas Liverpool ayaan ka soo qayb galin tartanka iyada oo laba jeer ka soo qayb gashay laakiin waxa ay dhaafi wayday wareega Group-yada.

Waxa ay ku dhawaatay in ay sanadkii 2016 ku guulaysataan tartanka Europe league laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay ku guulaystaan kadib markii ay guuldaro kala kulmeen.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply