Lionel Messi Oo Kalmadihiisa Ku Sharaxay Sababta Uuna U Aaminsanayn In Uu Saaxiib La Noqon Doonin Cristiano Ronaldo

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa aaminsan in uuna waligii saaxiib fiican la noqon doonin Cristiano Ronaldo inkasta oo uu xiddiga Real Madrid sheegay in ay labadoodu noqon karaan saaxiibo mustaqbalka.

Labada xiddig ayuu xafiiltan reer ka dhexeeyay tan iyo noloshooda ciyaareed oo dhan iyaga oo 10-kii sano ee ugu dambaysay si aad ah la isku bar-bar dhigo.

Waxa ay sidoo kale kala matalaan laba kooxood oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn kubada cagta kuwaas oo kala ah Barcelona iyo Real Madrid taas oo la macno ah in ay inta badan si gaar ah iskula xafiiltamaan.

Labada xiddig ayaan waligood wax diidmo ah isku muujin marka su,aalo la kala waydiiyo inkasta oo ay si weyn u xafiilatamaan hadana labada xiddig ayaanu wax xiriir ah ka dhexayn oo shaqada ka baxsan.

Inkasta oo uu Ronaldo sheegay in uu maalin saaxiib dhaw la noqon doono marka ay labadooduba ka fariistaan ciyaaraha kubada cagta.

Xiddiga Barcelona ayaa dhawaan la waydiiyay in uu ku raacsan yahay Ronaldo laakiin waxa ay u muuqataa in uu aaminsan yahay fikrad kale.

“Ma garan karo in aanu noqon doono saaxiibo mustaqbalka”ayuu Messi u sheega World Soccer magazine. “Saaxiibtinimada waxa lagu dhisaa in wakhti dheer la isla qaato si la isku barto”.

“Ma lihin wax xiriir ah, sababtoo ah inta badan waxa kaliya ee aanu isku aragno ayaa ah cafladaha abaalmarinha waana wakhtiga kaliya ee aanu isla hadalno”.

“Wax walba way fiican yihiin laakiin nafeheena ayaan inta badan isku soo gudbin”ayuu sii raaciyay

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply