Leroy Sane Oo Si Lama Filaan Ah Garoomada Ugu Soo Laabanaya & Kulanka Uu Ciyaari Karo Oo La Ogaaday

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Leroy Sane ayaa si lama filaan ah loo ogaaday wakhtiga uu doonayo in uu ku soo laabto kulamada kooxdiisa Man City inkasta oo uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Leroy Sane ayaa si aad ah u doonaya in uu si lama filaan ah ugu soo laabto kooxdiisa kulanka champions league ee habeen dambe ee ay kooxdiisu la ciyaarayso kooxda Basel.

Sanle ayaa la filayay in uu ugu yaraan garoomada ka maqnaan doono 7 isbuuc kadib markii uu dhaawac xun ka soo gaaray kuraanta kadib markii uu xiddig Cardiff u ciyaari si xun u xanaaqadeeyay.

Dhaawaca soo Gaaray Sane aya sabab u noqday in ay kooxda Man City isku daydo in ay 60 milyan ku soo qaadato xiddiga Leicester city ee Riyad Mahrez kaas oo ay ku guulaysatay.

Laakiin Sane oo 22 jir ah ayaa sameeyay ka soo kabsasho cajiib ah isaga oo isku diyaarinaya in uu ku soo bilowdo kulanka ay City habeen dambe la ciyaari doonto Basel.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola oo la yaabay soo kabsashada deg-deg ah ee Sane ayaa yiri”aad ayaan ula yaabay”.

“Waxa uu shaqeeyay in badan, wali wuu yar yahay, laakiin ma filanayn in wiil sidan u yar uu sidaas oo dhan xirfadle u yahay”.

“Kuma jiro xaaladiisii ugu fiicnayd laakiin waxa uu doonayaa in uu na caawiyo, waa uu nala joogaa waan war fiican, kooxda soo kabsashada iyo isaguba waxa ay qabteen shaqo fiican”.

Markii wax laga waydiiyay in uu ku soo bilaaban doono kulanka Basel ayuu Guardiola si maldahan u sheegay isaga oo ku jawaabay” wali wuu yar yahay”.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply