La Ogaaday: Taageerayaasha Ugu Daacadsan Kooxohooda Champions League Oo La Ogaaday & Gunners Oo Hogaaminaysa

Kooxda Arsenal ayaan xilli ciyaareedkan ka qayb galayn tartanka champions league laakiin taas ayaan ka hor istaagin in ay taageerayaasheedu noqdaan kuwa ugu fiican taratanka.

Intii lagu guda jiray 6-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ee ay Gunners ka qayb qaadatay 5 ka mid ah kooxda North London ayaa leh taageerayaasha ugu daacadsan kooxaha reer England.

Sida ay sheegayso xog ay diyaarisay bwin kooxda Emirates ayaa heshay 99.13 qimaynta taageerayaasha ugu daacadsan tan ilaa sanadii 2012/2013.

Xaqiiqda ayaa ah in xilli ciyaareedkii 2012/2013 in ay kulamada champions league ee kooxda Arsenal ka qayb qaateen taageerayaal dhan 59,954.

Dhanka kale kooxda ay taageerayasheedu daacada u ahayn ayaa ka timid isla North London waana Kooxda Tottenham oo heshay qiimaynta 82.63 tatanka champions league.

Kaliya kooxda Premier League ah ee ku fashilantay in ay 90& buuxiyaan ayaa ah kooxda Man City kuwaas oo helay qiimaynta 89.13%.

Kooxda Man United ayaa ah kooxda leh taageerayaasha 2-aad ee ugu daacadsan iyaga oo qiimaynta helay 98.31% iyaga oo Leicester ka sareeya kuwaas oo helay 97.55%.

Kooxda chelsea ayaa ku jirta kaalinta 4-aad iyaga oo helay qiimaynta 96.31% halka kooxda Liverpool ay taageerayaasheedu buuxiyeen 94.14% kuraasta Anfield kulamada champions league.

Inkasta oo ay rikoor fiican yihiin kooxaha premier league hadana kooxaha Arsenal,Man United iyo Leicester city ayaa ka mid noqday 10 kooxod ee ugu taageerayaasha daacadsan 6-dii sano ee ugu dambaysay.

Kooxaha Borussia Monchengladbach Iyo Borussia Dortmund ayaa ah labada kooxood ee ugu sareeya kuwaas oo qiimaynta helay 99.41% iyo 99.21%.

Halkan Kaga Bogo Kooxaha Taageerayaasha ugu daacadsan Leh Premier League & Qiimayntooda:

 *denotes one-season stints in the Champions League

Halkan Kaga Bogo Qiimaynta Horyaal walba & Kooxaha Ugu Daacadsan champions league:

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply