La Ogaaday: 20-ka Xiddig Ee Maaliyadooda Loogu iibsiga Badan Yahay Premier League Oo La Ogaaday

Xiddiga kooxda Man United ee Alexis Sanchez ayaa kooxda Man United ku sugan wax ka yar muddo bil ah laakiin waxa uu durba United ka caawiyay dhanka iibka Maaliyada iyo waliba dhanka baraha bulshada isaga oo xitaa ka saamayn batay xiddiga adduunka ugu qaalisan ee Neymar.

Alexis Sanchez ayaa sidoo kale noqday xiddiga caansan ee magaciisa lagu qorto maaliyada ama magaca ugu caansan ee laga iibsaday adduunka.

Xog ayaa muujinaysa tan ilaa 1 bishii Janaury maaliyadaha ugu badan ee la iibsado ayaa ah maaliyada iyo magaca Alexis Sanchez isaga oo ah xiddiga ugu badan.

Sida laga soo xigtay SportsDirect.com 4 ka mid ah 20 maaliyadood ee ugu iibsiga badan ayaa saxiixyadii suuqa January ay sameeyeen kooxaha premier league.

Philippe Coutinho ayaa ah xiddiga 6-aad ee maaliyadiisa loogu iibsiga badan yahay tan iyo markii uu ku biiray kooxda Barcelona.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Virgi Van Dijk ayaa ah xiddiga 16-aad ee xiddiga maaliyadiisu ugu iibsiga badantahay halka xiddiga Mkhitaryan uu ku jiro kaalinta 19-aad.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Kane ayaa ah xiddiga 3-aad ee ay maaliyadiisu ugu iibsiga badan tahay isaga oo ay ku sii xigaan xiddigaha Mohamed salah oo Liverpool ah iyo Eden Hazard oo chelsea ah.

Zlatan Ibrahimovic ayaa ku jira kaalinta 10-aad Halka Romelu Lukaku ku jiro kaalinta 13-aad, De Gea ayaa ku jira kaalinta 14-aad halka Marcos Rashford uu ku jiro 18-aad.

Halkan Kaga Bogo 20-ka Xiddig Ee Maaliyadoodu ugu iibsiga Badan tahay Premier League:

  1. ALEXIS – Manchester United
  2. POGBA – Manchester United
  3. KANE – Tottenham
  4. SALAH – Liverpool
  5. HAZARD – Chelsea
  6. COUTINHO – Barcelona
  7. DE BRUYNE – Manchester City
  8. OZIL – Arsenal
  9. FIRMINO – Liverpool
  10. IBRAHIMOVIC – Manchester United
  11. LACAZETTE – Arsenal
  12. KUN AGUERO – Manchester City
  13. LUKAKU – Manchester United
  14. DE GEA – Manchester United
  15. SON – Tottenham
  16. VIRGIL – Liverpool
  17. DELE – Tottenham
  18. RASHFORD – Manchester United
  19. MKHITARYAN – Arsenal
  20. ERIKSEN – Tottenham

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply