Kooxda Inter Milan Oo Rikoor Xun Oo Ayna Rabin Dhigi Karta Axda & Xogta Ku Saabsan Rikoorkaas

Kooxda dhibaatoonaysa ee Inter Milan ayaa dhigi doonta rikoor xun oo ayna doonayn Axada hadii ay guul ka gaari waayaan kooxda Bologna kulan ka tirsan horyaalka Italy.

Inter Milan ayaa dhigi doonta rikoor xun oo ah guul la,aanta ugu dheer ee taariikhda kooxda ee horyaalka hadii ay guul ka gaari waayaan kooxda Bologna Axada.

Inter ayaa hogaanka horyaalka u haysay bilowgii bishii December laakiin 8 kulan oo guul la,aan ah oo ay gashay iyada oo 6 bar-baro gashay 2 kulana laga badiyay ayaa ku qasabtay in ay u dhaadhacaan kaalmaha hoose waxana ay haatan isha ku hayaan in ay u soo baxaan booska loogu soo boxo champions league halkii ay markii hore hiigsanayeen horyaalka.

Si la mid ah kooxaha Napoli iyo Juventus ayay labadooduba badiyeen 7-dii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo 15 dhibcood ka sareeya kooxda Inter Milan.

5-tii kulan ee ugu dambaysay ee Inter ayaa ku dhamaaday bar-baro iyada oo laba ka mid ah oo ay la ciyaartay kooxaha Fiorentina iyo SPAL laga dhaliyay gool bar-baraha daqiiqadii 90-aad.

Waxa ay sidoo kale gool ku hogaaminayeen kooxda Crotone ka hor inta ayna kooxda Crotone bar-baraha keenin isaga oo ahaa kulankii ugu dambeeyay.

Waxa ay sidoo kale ka hareen tartanka Coppa Italia oo ay kooxda Ac Milan ka reebtay tartankaas iyada oo uga badisay natiijo 2/1 ah.

Halkan Kaga Bogo Kulamadii Horyaalka ee ay guul la,aanta ahayd:

Dec 9: Juventus 0-0 Inter

Dec 16: Inter 1-3 Udinese

Dec 23: Sassuolo 1-0 Inter

Dec 30: Inter 0-0 Lazio

Jan 5: Fiorentina 1-1 Inter

Jan 21: Inter 1-1 Roma

Jan 28: SPAL 1-1 Inter

Feb 3: Inter 1-1 Crotone

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply