Kadib Soo Laabashada Champions Leageu Waa Kuwee Xiddigaha U Tartamaya Gool Dhalinta Champions League

Tartanka ugu xiisaha badan yurub ee champions leageu ayaa dib u soo laabanaya todobaadkan iyada oo la ciyaarayo wareega 16-ka ee tartanka.

16-ka kooxood ee isugu hadhay tartanka ayaa ah Tottenham,Juventus,Man City,Basel,Porto,Liverpool,Real Madrid,PSG,Barcalona,Chelsea,Sevilla,Man United,Besiktas,Bayern Munich,Shakhtar Donetsk iyo Roma.

Waxa jira xiddigo u tartamaya gool dhalinta xilli ciayaareedkan kuwaas oo goolal badan dhaliyay 6-dii kulan ee wareega Group-yada.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa hogaaminaya Gool dhalinta isaga oo 9 gool dhaliyay 6-dii kulan ee uu ciyaaray tartan.

Halka xiddiga kale ee Roberto Firmino,Neymar,Edison Cavani iyo Harry Kane ayaa dhamaantood leh min 6 gool iyaga oo tartami doona gool dhalinta tartanka xilli ciyaareedkan.

Halkan Kaga Bogo Xiddigaha ilaa haatan isku baacsanaya gool dhalinta tartanka champions league:

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply