Hordhac: Valencia Vs Barcelona: Blaugrana Oo 90 Daqiiqo Ka Xigto Finalkii 5-aad Oo Xiriir Ah Ee Copa Del Rey-ga.

Kooxda Barcelona ayaa u safri doonta garoonka Mestalla iyada oo kula soo ciyaari doonta kooxda Barcelona kulan ka tirsan lugtii 2-aad ee Semi-finalka tartanka Copa Del Rey-ga.

Barcelona ayaa kulanka u soo galaysa bar-baro iyo badis iyada oo ugu baxaysa finalka tartanka halka ay kooxda Barcelona ku qasbantahay in ay ku badiso natiijo 2/0 ah si ay ugu soo baxdo finalka tartanka.

Kulanka: Valencia Vs Barcelona

Tartanka: Copa Del Rey

Wakhtiga: 11:30 Habeenimo

Garoonka: Mestalla

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa u baahan bar-baro ama guul natiijo kasta ah si ay ugu baxdo finalka Copa Del Rey halka Valencia looga baahan yahay in ay gaarto guul 2/0 ah oo ay waliba iska ilaaliso in gool laga dhaliyo.

Valencia ayaa Barcelona la ciyaaraysa markii 4-aad ee Semi-finalka tartanka Copa Del Rey waxana ay finalka u gudubtay hal mar oo kaliya waxa ay ahayd sanadkii 2007/2008.

Barcelona ayaa Finalka Copa Del Rey-ga gaartay 4-tii xilli ciyaareed ee ugu dambaysay waana kooxda ugu badan ee sidaa samaysa Spain oo dhan iyada oo koobka ku guulaysatay 3 ka mid ah 4-tii ay finalka tagtay.

Barcelona ayaan guuldaro la kulmin wareega Sem-finlka tartanka Copa Del Rey 10-kii sano ee ugu dambaysay, markii ugu dambaysay ee ay guuldaro 2/3 ah soo gaartay ayaa ahayd 2008 iyada oo Valencia kala kulantay guuldaradaas kulan ka dhacay Mestalla.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply