Hordhac: Tottenham Vs Arsenal: Gunners Oo Tottenham Ku Dhigi Karta Rikoor Ay 5 Sano Ka Hor Ku Dhigtay

Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan ayuu dhex mari doonaa kooxaha ka wada dhisan North London ee Tottenham iyo Arsenal kulan ka dhici doona garoonka Wembley Stadium.

Tottenham oo lagu ciyaarayo garoonkeeda ayaa kulanka soo galaysa iyada oo laba natiijo oo fiican ka heshay labadii kooxood ee waaweynaa ee ay la ciyaartay ee Man United iyo Liverpool oo ay ka heshay 4 dhibcood.

Arsenal ayaa dhankeeda soo galaysa iyada oo niyadu aad ugu dhisan tahay iyada oo guul weyn ka soo gaartay kooxda Everton kulan ay ku soo xasuuqday 5/1.

North London Derby ayuu xiiso gaar ah u yeelayaa xaqiiqada ah in ay labada kooxood isku dhaw yihiin una dhexayso kaliya 4 dhibcood.

Guul ay Tottenham ku gaarto 2 gool iyo wax ka badan ayaa ka caawin doonta in ay si ku meel gaar ah u gasho kaalinta 3-aad iyada oo dhaafi doonta kooxaha Liverpool iyo Chelsea.

Halka guul ay Gunners gaarto ka caawin doonto in ay hal dhibic ka dhigto dhibcaha ay ka dambayso kooxda Tottenham ee 4-ta dhibcood ah.

Kulanka: Tottenham Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30 Galabnimo

Garoonka: Wembley Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Harry Kane ayaa dhaliyay 6 gool 6 kulan oo premier league ah oo uu ka hor tagay kooxda Arsena kaliya hal kulan ayuu ku fashilmay in uu gool ka dhaliyo kulamadaas.

Tottenham ayaa kaliya hal kulan laga badiyay 7-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay la ciyaartay Arsenal guuldaradaas oo timid bilowgii xilli ciyaareedkan markaas oo ay Arsenal ku badisay 2/0.

Arsenal ayaa ah kooxda ugu badan ee badisay kulamada London Derby marka ayna ku ciyaarayn garoonkeeda 52 kulan hal ay isku dar ahaan badisay 121 kulan waana kooxda ugu badan ee sidaas samaysa kooxaha reer London taariikhda tartanka.

Arsenal ayaa doonaysa in ay Tottenham ka badiso laba kulan oo minin iyo Marti ah markii 4-aad xilli ciyaareed gudihii iyada oo horay sidaas u soo samaysay sanadihii 2004/05, 2007/08 Iyo 2013/14.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply