Hordhac: Southampton Vs Liverpool: Southampton Oo Laf Dhuun Gashay Ku Noqotay Jurgen Klopp Tan & Markii Uu Liverpool Yimid

Kooxda Liverpool ayaa u safri doonta garoonka St. Mary’s Stadium iyada oo kula ciyaari doonta kooxda Southampton kulan xiiso leh maadama ay xiddigo badan oo Southampton ah u ciyaaraan Liverpool.

Reds ayaa kulanka soo galaysa iyada oo ay ka go,antahay in ay gaarto guul kadib bar-barihii niyad jabka lahaa ee ay kala kulantay kooxda Tottenham.

Liverpool ayaa u dagaalamaysa in ay cadaadiska ku sii hayso kooxda kaalinta 2-aad ku jirta ee Man United halka ay sidoo kale doonayso in ay ka fogaato kooxaha Tottenham iyo chelsea oo ku daba naban.

Kulanka: Southampton Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo

Garoonka: St. Mary’s Stadium

XAQIIYOOYINKA KULANKA:

Southampton ayaa soo gabagabeysay 12 kulan oo guul la’aan ah kulankii ay guusha ka gaartay West Bromwich Albion Isbuucii lasoo dhaafay, waxaana ay doonayaan inay gaaraan laba guulood oo xiriir ah premier league markii ugu horaysay tan iyo bishii April 2017.

Waxaa jira hal gool oo kaliya oo laga dhaliyay labadii kulan ee ugu dambeysay ee labadaan kooxood tartamada oo dhan oo ka dhacay St Mary’s Stadium, ka dib markii labadii kulan ee hore ay dhaliyeen 12 gool.

Jurgen Klopp ayaa wajahaya Southampton markii 9-aad iyada oo uu yahay kooxda uu ugu wajihda badan yahay laakiin waxa uu badiyay 2 kulan 8-dii kulan ee ugu dambaysay 3 waa laga badiyay 3 kale bar-baro ayuu la galay.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Liverpool Sadio Mane, oo horay u ahaa Saints, ayaa dhaliyay lix gool shantii kulan ee ugu dambeysay ee uu ku ciyaaray garoonka St Mary’s Stadium.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply