Hordhac: Real Madrid Vs Real Sociedad: Real Madrid Oo Doonaysa In Ay Kalsoonida Soo Ceshato Ka Hor Inta Ayna La Kulmin PSG

Kooxda Real Madrid ayaa garoonkeeda Estadio Santiago Bernabeu ku soo dhawayn doont kooxda Real Sociedad kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkiisii 23-aad.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyada oo ku dagaalamaysa sidii ay u gali lahayd kaalinta 3-aad iyaga oo guul ay ka gaarto ka caawinaysa in ay si toos ah ula wareegto kaalinta 3-aad.

Dhanka kale kooxda Real Sociedad ayaa kulanka u soo galaysa iyada oo isha ku haysa 3-da dhibcood ee kulanka si ay uga fogaato kaalmaha looga haro horyaalka La Liga.

Kulank: Real Madrid Vs Real Sociedad

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu

XAQIIOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Real Sociedad 21-kii kulan ee ugu dambaysay iyaga oo kaliya kala kulmay hal guuldaro sidoo kale guuldaro gaaray 17 kulan.

Real Sociedad ayaan wax guul ah gaarin 6-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay ku ciyaartay meel ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda iyada oo laga badiyay 4 kulan sidoo kale bar-baro gashay 2 kulan.

Real Madrid ayaan guuldaro kala kulmin kooxda Real Sociedad iyaga oo jooga Santiago Bernabeu kulan horyaalka ah 10-kii kulan ee ugu dambaysay horyaalka iyaga oo badiyay 9 guulood iyo hal bar-baro.

Gareth Bale ayaa ku lug lahaa 9 gool oo ay kooxdiisu ka dhalisay kooxda Real Sociedad 8-dii kulan ee ugu dambaysay ee horyaalka isaga oo dhaliyay 6 gool sidoo kale caawiye ka noqday 3 kale.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply