Hordhac: Porto vs Liverpool: Reds Oo Aan Waligeed Guuldaro Kala Kulmin Porto Afar Kulan Oo Ay Horay U Wada Ciyaareen

Liverpool ayaa ugu cadcad inay ku garaacdo Porto wareega 16ka Champions League, lakiin ugu horeyntii Reds ayaa u baahan inay si nadiif ah uga soo baxdo Portugal kulanka Lugta hore.

Porto ayaa sumacad fiican ku leh marka la joogo garoonkooda iyaga oo kaliya hal guuldaro oo lama filaan ah kala kulantay wareegtii Group-yada.

Reds ayaa dhankeeda si raaxo leh ku soo baxday iyada oo kooxda Sevilla ahayd kooxda kaliya ee dhibaatada ku abuurtay iyaga oo labadii kulanba bar-baro la gashay.

Liverpool ayaa wareegii Group-yada dhalisay 23 gool iyada oo 14 ka mid ah goolashaas ay ka yimaadeen kulamadii ay 7/0 uga badiyeen kooxaha Maribor Iyo Spartak Moscow.

Kulanka: Porto vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Estadio do Dragao

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

4-tii kulan ee dhexmaray kooxaha Liverpool iyo Porto ayaa ka dhacay qarnigii 21aad, Reds ayaan laga badin 2 guul iyo 2 barbaro. Labada guuloodba waxay yimaadeen gurigooda, halka safaradii ay ku tagtay Porto ay keentay in ay ku dhamaato barbaro.

Taariikh ahaan, Porto ayaa ku dhibaatoota kooxaha ka socda Premier league waxa ay ka hor tageen 38 kulan, 8 kulan way badisay,8 kale bar-baro ayay gashay halka 18 kulan oo kale laga abdiyay.

Hase yeeshee, rikoodhada guriga ayaa si quruxsan u muuqata ka dib markii ay ku guuleysteen 8 guul iyo 6 barbaro 17 kulan oo ay ku ciyaartay halka ay kala kulantay 3 guuldaro.

Dhanka kale, rikoorka Liverpool ee kooxaha ka soo jeeda Portugal ayaa ah mid fiican iyaga oo leh 8 guulood, 5 bar-baro iyo 5 guuldaro 18 kulan oo ay la ciyaartay  si kasta ha ahaatee waxa ay badiyeen 9-kii kulan ee ay boqdeen Portugal halka laga badiyay 4 iyaga oo bar-baro galay 3 kale.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply