Hordhac: Newcastle United Vs Man United: Newcastle United Oo Dhibane U Ah United Kulamadii Ugu Dambeeyay

Man United ayaa su safri doonta garoonka St. James’ Park iyada kula ciyaari doonta kooxda Newcastle United kulan ka tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka premier leageu.

United ayaa doonaysa in ay sii wado cadaadiska ay ku hayso kooxda Man city siina haystaan kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka.

Newcastle ayaa dhankeeda kulanka u soo galysa iyada oo baxsad uga jirta kaalmaha horyaalka looga haro ee ugu hoosaysa horyaalka.

Kulanka: Newcastle United Vs Man United

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 05:15 Galabnimo

Garoonka: St. James’ Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Newcastle United ayaa laga dhaliyay goolal badan oo Premier League ah kulankii ay wajaheen Manchester United intii ay ka horyimaadeen koox kale (92) waxana ay guuldaro kala kulantay kulamo ka badan guuldaroyiinka ay Arsenal kala kulantay United (26).

Kulankan waxay noqon doonaa kulankii 200-aad ee Newcastle ciyaarto maalin Axad ah kaliya kooxaha Tottenham Hotspur (79), Liverpool iyo Everton (72 kulan ah)ayaa ka badan waxana ay ciyaartay (70) kulan.

Romelu Lukaku ayaa celcelis ahaan gool dhaliyey ama caawiyay 65-kii daqiiqo ee kasta oo uu ka hor tagay Newcastle horyaalka 6 gool wuu ka dhaliyay 4 kalena cawiye ayuu ka noqday 651 daqiiqo.

Man United ayaa badisay sagaal kulan oo ka mid ah 13kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Newcastle kana dhacday garoonka St James Park.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply